Dil naxdin leh oo ka dhacay degaan ka tirsan Sh/dhexe iyo faahfaahino ka soo baxaya

Fal dil ah oo aad looga naxay ayaa ka dhacay saacadihii la soo dhaafay degaan hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Sida aan wararka ku heleyno haweeney ayaa toorey ku dishay ninkii qabay ka dib markii dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray.

Haweeneydan ayaa la sheegay iney dilka Seygeeda u adeegsatay Toorey sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen, wuxuuna ku qur baxay isla goobtii.

Falkan ayaa ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Caadley oo Hoostagta Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.

Haweeneyda dilka geysatay ayaa la sheegay iney maseyrsaneyd ka dib markii ay soo gaareen warar sheegaya in seygeeda uu haweeney kale la guursaday, waxaana jiray buuq maalmahan ka dhex aloosnaa sida dad deriskooda ah laga soo xigtay.

Weli lama oga in haweeney dilka geysatay la qabtay iyo in kale, sidoo kale faahfaahin lagama hayo hadii ay caruur isku dhaleen, hase ahaatee dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -