Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Hub iyo maxbuus ay ku qabteen Dagaalkii Aato (Sawirro)

Dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jimcihii deegaanka Aato ee gobolka Bakool ku dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Liyuu Booliis ee dowlad deegaanka.

Al Shabaab ayaa dagaalkaasi sheegtay in ay ku dishay in ka badan 103 askari oo katirsan ciidamada Liyuu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxa ay sidoo kale sheegeen in tiro kale oo badan dagaalka ku dhaawaceen.

Warbaahinta kooxda Al Shabaab ayaa maanta baahisay sawirro laga soo qaaday dagaalkii ka dhacay  deegaanka Aato iyo hub kala duwan oo kooxda Al Shabaab dagaalkaasi ku qabsadeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay askari katirsanaa ciidamada Liyuu booliiska oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay dagaalka Aato, waxaana hubka Al Shabaab soo bandhigeen ku jira gaari nuuca dagaalka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Booliiska oo shaaciyay in la xiri doono qof kasta oo Aflagaado iyo xadgudub geesta

Cabdi Cade

Deni oo booqasho ku jooga Itoobiya iyo Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay

Caydiid Ali

Sida aad u dhoolla-caddeyso waxay wax ka sheegi kartaa caafimaadkaaga !

Cabdi Cade