Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciiidamo cusub oo loo soo dirayo Somalia iyo halka la dejinayo oo la shaaciyey

Dowlada Uganda ayaa shaacisay inay ciidamo hor leh oo booliis ah u direyso Somalia, si ay qayb uga noqdaan Booliska AMISOM.

Maareeyaha taageerada nabadda ee Ciidamada Booliiska Uganda Grace Turyagumanawe ayaa sheegtay in Kampala ay ka shaqeynayso inay ciidamo kale u dirto Somalia.

“Waxaa socda diyaar garow si aannu arrintan hubaal uga dhigno. Waxaana ka shaqaynaynaa inaan helo agabka loo baahan yahay,” ayay tiri Grace mar ay Muqdisho kula kulantay Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Guddoonka Midowga Afrika ugu qaybsan Somalia.

Grace oo aan sheegin tirade ciidamada dalka keenayo ayaa warkan shalay kaga dhawaaqday Muqdisho, gaar ahaan halka ay ciidankani degayaan oo ah xerada Jazeera Forward Operating Base ee bannaanka Muqdisho, iyadoo xustay iney u timid hubinta agabka ciidanka ay dirayaan iyo daryeelkooda.

Waxaa Booliska AMISOM saaran mas’uuliyad ah hubinta in la diyaariyo Booliiska Somalia xiliga kala guurka si ay ula wareegaan amaanka dalka marka ay 2021 marka ay dalka ka baxaan ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo kulan isla xisaabtan ah la qaatay Maamulada labo degmo (Sawirro)

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo si adag uga hadlay Dagaalka Tigrey baaq deg deg ahna u diray Shacabka

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble kulan arrimo xasaasi ah looga hadlay la yeeshay Beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---