Sargaal katirsanaa Ciidanka dowlada oo Xukun dil ah lagu riday (Daawo Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday  Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) oo lagu helay in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii sagaalaad sanadkii 2018-kii.

Sargaalkan ayaa qoray dhashiike ah ku dilay Dayax Iimaan Xasan oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, waxaana xiliga la dilayay Dayax uu watay gaari yar oo marayay agagaarka daarta Seybiyaano.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta kusoo dhigay sargaalkan katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya ee dilka geestay, waxaana markii dambe sargaalka la horgeeyay Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa  sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle Kumbud ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Maxkamada ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay eedeysane  Ex, Laba xidigle  Maxamed Cabdullaahi (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Sargaalkan katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya ee  xukun dilka ah lagu riday  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -