Al Shabaab oo soo bandhigtay ciidamo hubeesan oo isku soo dhiibay (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa soo bandhigtay shan askari oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ka howl gala degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan , kuwaa oo dhinacooda isku soo dhiibay.

Askartan oo ku labisnaa dareeska ciidanka Milatariga Soomaaliya sidoo kale watay qoryaha AK-47 ayaa lagu soo bandhigay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxa ayna sheegeen askartan in ay kasoo baxeen aaga degmada Maxaas ay joogeen.

Qaar kamid ah askartan lasoo bandhigay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga Degmada Maxaas ay dhibaato badan ku hayaan dadka shacabka, waxa ayna sheegeen in ay go’aansadeen in Al Shabaab isku soo dhiibaan.

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigayay askartan ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan cidii xagooda usoo baxsata, waxa ayna sheegeen in hubkooda loo lacageenayo.

Al Shabaab ayaa marar badan soo bandhigtay askar ay sheegeen in xagooda usoo goosteen, Taliska Milatariga Soomaaliya ayaana inta badan ka hadlin ciidamada ay Al Shabaab ay sheegaan in ay kasoo baxeen milatariga xagooda isku soo dhiibeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -