Xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran oo Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sababta keentay

Golaha Fulinta ee xisbiga Hilimo Qaran oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku go’aamiyeen in shaqada laga joojiyo Xoghayihii Xisbigaasi Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed.

Sida aan wararka ku helnay golaha fulinta ayaa isku raacay in shaqada laga joojiyo xoghayihii Xisbigaasi oo lagu eedeeyay in uu jabiyay xeer u degsanaa xisbigaasi oo kamid ah xisbiyada diwaangashan.

Xil Cabdi Xakiin Macalin oo ahaa xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran uu aas aasay Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa shaqo joojintiisa timid kadib markii uu kahor yimid bayaan kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo qeyb ka tahay Himilo Qaran..

Xildhibaanka oo mudooyinkan ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb ayaa si adag uga hor yimid bayaan ay madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen in Caasimada Galmudug la geeyay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Xildhibaanka oo markii hore kamid ahaa siyaasiyiinta dowlada mucaaradka ku ah uu mudooyinkii dambe isbdelay wada shaqeyn dhawna la alhaaa Xukuumada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -