Bangiga Dhaxe ee Somalia oo ruux Ajnabi ah Madax looga dhigayo iyo Digniin laga bixiyay

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xukuumada Soomaaliya damacsan tahay in ruux ajnabi ah Madax uga dhigto Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, waxaana qorshahan hada kasii digaya Xildhibaano katirsan golaha shacabka.

Kulanka ugu horeeya ay yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka maalinta Isniinta ayaa la filayaa in Baarlamaanka la horkeeno wax kabadalka sharciga Bangiga dhaxe si ruux ajnabi ah madax looga dhigo.

Sharciga Bangiga Dhaxe ee wax ka badalka lagu samaynayo ayaa xeerinaya in Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka, iyo 5ta xubnood kale ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed.’

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka digay qorshaha wax ka badelka lagu sameenayo sharciga Bangiga Dhaxe si dad ajaaniib ah madax looga dhigo.

” Beecgeynta Bangiga Dhaxe  waa mashruuc bilowgiisa aan aragno laakiin dhamaadkiisa cidi aysan ogeyn! Maxaa xikmad ah oo kujira in xiligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhaxe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka? Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata? Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?! Ayuu isweediiyay Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa hadii wax ka badal ku sameeyaan sharciga Bangiga Dhaxe waxa ay meesh ka saareesaa sharcigii hore u diidayay in Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya madax ka noqdaan dad ajanaiib ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -