Allbanaadir.com
NEWS

Shariif Xasan oo dhagax dhigay Mashruuc laami laga dhisayo Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhagax dhigay Waddo dhererkeedu gaarayo 3-Km oo ka bilaabaneysa garoonka dayuuradaha Baydhabo, sidoo kalena ku eg Madaxtooyada Magaaladaasi.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka ee K/Galbeed C/llaahi Aadan Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay gacan weyn ka geysanayso Wasaarada Maaliyadda dowladda Federaalka.

“Waxaan u mahadcelineynaa dowladda Federaalka oo gacan weyn ka geysatay dhismaha wadadan oo lacag fara badan ay ku baxeyso” ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhismaha wadadan ku sheegay iney tahay mid muhiimad weyn leh, isagoo tilmaamay in la sii wadi doono dib u dhiska ka socda degaanada Koonfur galbeed.

Dib u dhis ballaaran ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay sanadahan dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyay Xeer Hoosaadka Golaha oo dib u eegis lagu sameeyay

Cabdi Cade

Villa Somalia ”Waddada looga baxayo Shiidka waxa ay aadaa Jilib”

Cabdi Cade

Dagaalo dib uga qarxay Woqooyiga Itoobiya iyo TPLF oo War soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---