Halista Cudurka Juudaanka iyo Tirada Soomaalida qabta oo la shaaciyey

Magaalada Muqdisho waxaa laga xusay maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Juudaanka oo sanad walba la xuso 28-ka January.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in cudurkan ay qabaan dad gaaraya 1,576 qof, ka dib baaritaano ay sameeyeen.

Waxay sheegtay in dadka cudurkan qaba 187 qof oo ka mid ah inay yihiin caruur, 93 Saddex ka mid ah uu cudurkan naafeeyay, waxayna tilmaamtay in cudurkan la yareyn karo haddii dadka ay soo raadsadaan dawooyinka.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay cudurkan dadka qaba inta badan in laga helay gobolka Banaadir, Labada Shabeelle iyo Gobolka Bay.

Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka qaba cudurkan ugu baaqday in goobaha caafimaadka ay tagaan, si loo siiyo dawooyin ay ku bogsoodaan.

Degaanada ugu badan ee cudurka Juudaanka laga heli jiray ayaa waxaa ka mid ah degmada Jilib iyo degaano kale oo ka tirsan Jubooyinka, waxaana ka furnaan jiray isbitaalka ugu weyn Somalia ee lagu daweeyo cudurkan inkastoo uusan hadda shaqeynin.

Haddaba waa maxay cudurka Juudaanka?

Juudaanka waxa Soomaalidu u taqaanno waa cudur faafi kara oo ay keento bakteeriyo lagu magacaabo (Mycobacterium Leprea) waxaana lagu dhahaa luqadda Ingiriiska (Leprosy).

Dadka qaba juudaanka maahan dad dadka cuna ama dadka qasha sida Soomaalida ay ka aaminsantahay una bixiyeen magacyo badan sida (Waraabo dadow) iyo wax la mid ah.

Waxaa magacyadaas loogu bixiyay xanuunkaan ayaa ah in qofka jirkiisu uu badalo, waxaana ka soo baxa nabro waaweyn oo qofka wajigiisa, sankiisa iyo afkaba ka dhigi karo wax laga cabsado, qofka muuqaalkiisane wuu wada badalmi karaa.

Waxaa intaa sii dheer in faraha uu qofka ka go’go’i karo oo qofka ku soo hari karto kaliya calaacal ama cago aanan lahayn faro.

Juudaan waa ,mid ka mid ah cudurrada ugu duqsan ee maanta dunida taqaanno, waana cudur laga cirib tiray aduunka badankiis inta aan ka aheyn wadamo gooni ah oo ku kala yaalla qaaraddaha Asia iyo Africa.

Juudaan ama (Leprosy) waa cudur halis ah isla markaana si sahlan lagu garan karo loona daaweyn karo.

Bakteeriyada keenta cudurka juudaanka waxay qaraabo dhaw yihiin bakteeriyada keento cudurka qaaxada taasoo lagu magacaabo (Mycobacterium TB)

Cudurka juudaanka wuxuu ku dhacaa neerfaha, maqaarka, neef mareenka, sanka iyo indhaha waxaa laga kala qaadaa calyada iyo diifka.

Cudurka juudaanka wuxuu maraa heerar kala duwan markuu qofka ku dhaco illaa uu saameyn ku yeesho neerfaha gacmaha iyo lugaha oo ay go’go’aan iyadoo qofku uusan dareemeynin xanuun badan inta badan cudurkan looma dhinto oo qofka muddo ayuu la noolaan karaa, waxaase aad u badan dhibaatooyinka jir ahaan uu qofka u geysto sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku taqasusay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -