Dagaalo dib uga qarxay Woqooyiga Itoobiya iyo TPLF oo War soo saartay

Dagaalo ayaa mar kale ka qarxay woqooyiga Itoobiya kuwaaso u dhexeeya ciidamada TPLF iyo kuwa degaanka cafarta oo taageero ka helaya milateriga Itoobiya.

Maamul gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa ku eedeeyey ciidamada gobolka ay dariska yihiin ee Tigrey iney weeraro kusoo qaadeen dhulkooda.

Maamulku wuxuu intaa ku darey in Tigray qabsadeen magaalooyinka Magale iyo Abala, ayna halkaasi ku dhaawacmeen tiro badan oo shacab ah.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in cunno qeybintu ay mareyso heerkii ugu hooseeyey abid ee gobolka, iyadoo boqolaal kun oo qof ay kunool yihiin xaalad macaluul ah.

Shaqaalaha gargaarka, ayaa sheegay in rabshaduhu ay ka hor istaageen 27 baabuur oo sida cunno gargaar oo degdeg ah, kuwaasoo lagu wadey iney gaaraan gobolka Tigray.

Kooxda TPLF ayaa iyaguna dhankooda ku eedeeyey maamulka Canfarta iyo dowladda Eritrea-yaba iney iyagu bilaabeen marka koowaad dagaalka.

TPLF waxay sheegtay in wadahaddalo beesha caalamku wado ay sababeen inay ciiddamadoodu dib uga baxaan dhulkii hore, waxayna xuseen in ciidankoodu wali awood buuxda leeyahay balse nabada iyo dadaaladda socda dartood ay dulqaad u muujinayeen.

TPLF waxay sheegtay in todobaado daan-daansi iyo weeraro lagu waday,waxayna sheegen in gurmadkii Tigreega iman lahaa la hakiyay oo jidka loo galay.

“Daddaalo baddan oo aan oday dhaqameedka Canfarta la samaynay ayaa jiray.Si nabad loo helo dulqaad baddan ayaa muujinay hadda kadib masii dhawran karno tallaabo ayaan qaadi doonaa”.;ayaa lagu yidhi war saxaafadeedkan.

- Advertisement -