War Deg Deg Ah: Xildhibaan kamid noqonaya Aqalka Hoose oo Goordhaw lagu doortay Jowhar

Waxaa goordhaw lasoo gabo gabeeyay Wareegii labaad ee doorashada Kursi ka banaanaa Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana doorashadan kursigan ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Wareega koobaad ee doorashadan Kursigan oo laheyd beesha Xawaadle gaar ahaan Jufada Cali Madaxweyne waxaa ku tartamay lix Musharax, waxaana wareega labaad isugu soo haray C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe oo helay 24-cod iyo Nuur Iidow Beyle oo helay 23 cod.

Doorashada oo aheyd mid xiiso iyo xamaasad badan ayaa ugu dambeyn guusha waxa ay raacday Musharax Nuur Iidow Beyle  oo helay codad gaaraya 27 cod halka Shanbaloolshe uu helay 24-cod.

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday in Nuur Iidoow  uu ku guuleestay in uu kamid noqdo Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib doorashadii goordhaw ka dhacday Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -