Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Doorashadii ka dhacday Puntland

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ee shalay ka dhacday magaalada Garawe.

Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ahna ku xigeenka ergeyga gaarka ah Raisedon Zenenga ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee shalay la doortay.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale  amaantay qaabkii ay guddiga doorashada Puntland u maamuleen doorashada, waxa ayna Qaramada Midoobay u hambalyeesay guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu amaanay qaabkii ay amaanka uga shaqeeyeen una maamuleen doorashada maamulka Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dil argagax leh oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Somaliland oo ka jawaabtay Hadal kasoo yeeray Xukuumada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---