Somaliland oo ka jawaabtay Hadal kasoo yeeray Xukuumada Soomaaliya

Maamulka Soomaaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo rajo ka muujiyay in Madaxweyne Farmaajo tago Hargeysa Muuse Biixina yimaado Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali shire oo wax laga weediiyay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in arimaha uu ka hadlay Mahdi imaan karto marka ay labada dhinac is aqoonsadaan.

Waxa uu sheegay Sacad Cali Shire in Wadamo kuyaala Geeska Afrika uu xumaa xiriirkooda ay heshiiyeen, waxa uuna xusay in heshiisyada wadamadaasi gaareen ka duwan tahay tan Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Runtii wadamada geeska afrika ee heshiiyey waan la soconaa oo safarada is-dhaafsaday laakin anaga weynu ka duwanahay oo manihin kuwo is aqoonsan markaan is aqoonsanno ayay dhici doontaa taas” ayuu yiri Wasiir Sacad Cali.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in rajo ka qabaan in dib loo bilaabo wadahadaladii Soomaalia iyo Soomaaliland sidoo kale Madaxda labada dhinac booqasho ku kala tagaan Muqdisho iyo Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -