Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Sheekadii Muuseeye Mataara !!

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu tilmaamo Siyaasiga ugu weyn ee ka soo horjeeda Dowladda Faderaalka ayaa waxaa Moodaa  Haatan Labada Dhinac  uu gaarey  isjiid jiidkooda Siyaasadeed meel Sare lama garan karo halka uu ku biya shuban doono , waxayna Dadka u kuur gala Siyaasada ay leeyihiin in Dowlada Xiligaan aan looga baahneyn in ay ku  mashquusho Siyaasi Sacabooley ah oo  Hadaladiisa ay u badan yihiin kuwa Dhalill ah iyo Wax toosin ,Hadaba aan u Daadegno Sheekada MUUSEEYE MATAARA

Dhawaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxaa  uu Shirka Jaraaid ku qabtey Bartamaha Wadada Maka Al Mukarama wuxuuna Shirkaas Jaraaid ee lagu qabto Wadooyinka uu I soo Xasuusisey Sheeko ka dhacdey Dalka Ugandha 2011 oo Wadankaas qabsatey looguna Magacdarey MUUSEEYE MATAARA ka dib markii  Kizza Besigye.oo ah  siyaasi Mucaarad ah oo  si  weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Ugandha   ka dib markii looga Guuleytey Doorashadii Dalkaas, ka dib maxaa Dhacay.

Kizza Besigye Inta Dad badan soo Aruursadey ayuu  Bartanka Magaalada ku qabsadey  Shir jaraaid isagoo ku qaylinaya “Musafiini waa ku shubtey Doorashadii” “Dalkaan uma Baahna Kaliye  taliye” “Booliiska Dhexdhexaad kama ahaa Siyaasada Dalka iyo eryo kale oo uu kaga soo horjeedey Madaxweynaha Dalkaas , waxaana Meeshii uu shirka Jaraaid ku qabtey ku soo batey Taageerayaashisii

Markiiba Booliiskaa ka war heley waxay warqad qabasho oo deg deg ah  ah ka soo qaateen  Maxkamadda si loo soo Xiro  Kizza Besigye, markiiba Taliyihii Booliiskaa ayaa warqadii soo qaatey waxaana uu yimid Goobtii uu Shirka Jaraaid uu ku qabtey  Kizza Besigye waxaan la Tusiyey Warqadii Maxkamada, markii uu arkey in Warqada Booliiska in ay tahay mid Sax ayuu Hadalkiisii  Dhaleeceynta u badnaa  uu iska Watey , Iyadoo Booliiskana ay ku qaylinayaan  Kizza Besigye  waxaa lagaaga baahan yahay Saldhiga ka dib maxaa Dhacay.

Markii u arkey in ay  Xaaladu ku adag tahay  ayuu waxaa uu fuuley Meel  Bulaacad oo ay maraan Saxarada iyo Kaadida Wadada  Hareeraheeda ah  oo  Dalkaasina looga yaqaan MATAARA halkii buu isku Tuurey isaga iyo Jaakadiisi Wata wuxuuna ku Galgashey Bulaacadii, Booliskiina waa u dhawaan waayeen waxayna Booliiskii Dalbadeen Gacmo Gashi (Gloves) halkii baa laga soo qabtey isagoo aan loo dhawaanin Karin

Markiiba Sheekadii waxay gaartey Madaxweyne Musafini oo loo sheegey in ninkii  Kizza Besigye ahaa uu isku Tuurey MATAARA , markiiba waxaa Madaxweynaha uu amrey in Labaajo la geeyo oo laga soo dhaqo Wasaqda iyo Qurunka, waxaana loo geeyey Madaxweyanaha isagoo si weyn loogu soo labisey, markii ay indhaha is ka qaadeen  ayey isku soo boodeey wuxuuna u sheegey in aan ma dambe la xiri Doonin , wuxuuna Madaxweyne Musafini u Gudbiyey Codsi la yaab lahaa oo ah in uusan mar dambe isku Tuuriin MATAARA aad buuna Musafiini ugu celceliyey Codsigaas.

BISINJE oo lagu Tilmaamey Hogaamiyaha  Mucaaradka ugu weyn dalkaas iyo Qaaradda Afrika waxaa loogu yeeraa MUUSEEYE MATAARA (Odeygii Bulaacadda) sidaa Darteed Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo  Maalmahaan qaatey Magaca ah Hogaamiyaha Mucaaradka ugu weyn ee Soomaaliya  waxaa uu haatan  ku sii Daba Dhow yahay marka la eego Caanimada  Kizza Besigye  sidaa Darteed waxaa Caanimadiisa ka harey  Cabdiraxmaan isagoo keena mid aan ka dhicin MATAARA  maadaama uu   sameeyey Falal  la mid ah kii uu sameeyey  Kizza Besigye oo ah in uu Shir jaraaid ku qabto Bartamaha Wadada Maka Al Mukarama

Hadaba Maxaa ka Baraneynaa Sheekadaan ka dhacdey Dalka Ugandha ee MUUSEEYE MATAARA Kow marka Qof la xirayo waa in marka hore  warqad laga soo qaato Maxkamada taasina waa mid aan looga baran Dowlada waqtiyadaan, Laba marka qof la qabanayo in loola Dhaqmo si Baniaadanimo ah, sidoo kale waxaa laga baranayaa Sheekadaan in Dowlada ay Dulqaad u yeelato Mucaaradkeeda ay markasta Xooga saartoo la kulankooda iyo Wadahadalkooda  .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -