Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa saaka iyo xalay dilal kala duwan ka geystay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada ayaa saaka lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan  meel ku dhow Ex-control Afgooye.

Dilka labaad ayaa xalay ka dhacay xaafada Xaaji Gaabow oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ka dib markii dabley hubeysan ay halkaas ku toogteen nabadoon caan ah.

Nabadoonka la dilay oo magaciisa la oran jiray Muxyadiin Kilkilow ayaa si weyn looga yaqiinay degaanka sida ay sheegayaan goob joogayaal ka dhowaa halkaas.

Dhamaan dableyda geysatay dilalkan ayaa baxsaday sida ay wararku nagu soo gaarayaan, waxaana falalkan ay ku soo aadayaan dil kale oo isla xalay loogu geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -