Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Al Bashiir oo si adag uga hor yimid Baaqyo loo jeediyay

Madaxweynaha Sudan ayaa ku gacan seeray baaqyo soo kordhaya oo looga dalbanayo inuu is-casilo, waxaana uu sheegay inuu diyaar u yahay oo kaliya inuu xukunka ku wareejiyo hab doorasho.

Hadallada Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa yimid kadib saddex toddobaad oo dalka Sudan ay ka socdeen dibadbaxyo loogu dalbanayo inuu kursiga ka dego.

Al-Bashiir oo kumanaan taageeryaashiisa ah maanta kula hadlay magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa yiri “ma jiro wax beddel u noqon kara wada-hadallada qaranka, go’aankana waa go’aanka dadweynaha Sudan ee sanduuqa codka.”

Khudbadda Al-Bahsiir ayaa timid saacado ka hor dibadbax xooggan oo la qorsheeyey in laga hordhigo golaha sharci-dejinta qaranka ee magaalada Umudurman, kaasi oo la doonayo in lagu dalbado is-casilaadda Al-Bashiir.

Mas’uuliyiinta Sudan ayaa sheegay in 19 qof ay ku geeriyoodeen banaanbaxyada Sudan, halka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay sheegtay in ugu yaraan 40 qof ay geeriyoodeen tan iyo markii mudaaharaadyada ay billowdeen 19-kii December.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo ka hor yimid qorshe uu soo bandhigay Trump

Caydiid Ali

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Carro xooggan oo ka dhalatay dilkaasi

Cabdi Cade

Xamaas iyo Israaiil oo is dhaafsaday Maxaabiistii ugu horeysay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---