Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweynaha la doortay ee Puntland oo Madaxtooyada ku booqday Cabdiweli Gaas (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tagay Qasriga Madaxtooyada Puntland uu wali degan yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Saciid Deni uu wehliyo Madaxweyne kuxigeenkiisa cusub ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada Puntland, waxa ayna Markii dambe kulan la qaateen Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo masuuliyiin kale.

Kulan albaabada u xirnaayeen ayaa la sheegay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Madaxweynihii hore ku yesheen Madaxtooyada , waxaana la sheegay in ay kawada hadleen arimo badan ay kamid tahay sida ay u dhaceyso xil wareejinta.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa la filayaa in dhawaan xilka la wareego, waxaana la filayaa in la magacaabo guddi qaban qaabiya munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka hadlay sida Xaalkiisu yahay isaga oo Daal ka muuqdo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ugu yaraan 35 qof oo ku dhintay qaraxyo miino oo qabsaday gaari ay la socdeen

Caydiid Ali

Gaari dagaal ay leeyihiin AMISOM oo la gubay kadib weerar kedis ah oo lagu qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---