Ugu yaraan 35 qof oo ku dhintay qaraxyo miino oo qabsaday gaari ay la socdeen

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso halkaasoo ay ku xooggan yihiin kooxaha jihaad-doonka.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, baabuur ay la socdeen dadkan ayaa waxaa la kacday qarax miino xilli ay marayeen inta u dhexeysa degaannada Djibo iyo Bourzanga.

Waxaa qaraxa sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Weerarada ay kooxaha ka geystaan ayaa sare u kacay Burkina Faso tan iyo bishii January oo ay militeriga talada la wareegeen.

Burkina Faso wuxuu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan adduunka, wuxuuna la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhashay weerarada ay kooxaha ka geystaan dalka ay deriska yihiin ee Mali.

 

- Advertisement -