Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Gaari dagaal ay leeyihiin AMISOM oo la gubay kadib weerar kedis ah oo lagu qaaday

Kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee  AMISOM ayaa lagu weeraray deegaanka Garas-Deelle oo kuyaala duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada AMISOM ayaa qarax miino lagula eegtay Deegaanka Garas-Deelle, waxaana qaraxa kadib la sheegay in dagaalyahano hubeesan rasaas culus huwiyeen kolonyada AMISOM ee la qarxiyay.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in weerarkan sida kediska ah AMISOM loogu qaaday looga gubay mid kamid ah gaadiidkooda dagaalka, waxaa sidoo kale jira khasaaro kale oo ciidamada AMISOM kasoo gaaray weerarkan.

Ciidamada AMISOM iyo ciidamo kale oo katirsan dowlada oo gaaray goobta weerarka ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, waxa ayna ciidamada xireen wadooyinka soo gala goobta uu weerarku ka dhacay.

Weerarkan ciidamada AMISOM lagu qaaday ayaa kusoo aadaya xili shalay weerar kale oo ka dhacay duleedka degmada Balcad lagu dilay Masuuliyiin uu ku jiray Gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo kulan deg deg ah isugu yeeray taliska AMISOM & Xoogga dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo wafdi qarsoodi ah u diray Iran & Warbixino cusub

Caydiid Ali

James Swan oo cadeeyay in Doorashada Soomaaliya dhici karin kahor 8-da Febraayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---