Baadari Faafinta Diinta Karishtaanka si hoose uga wada magaalada Muqdisho 

Baadari u dhashay dalka Kenya oo shantii sano ee ugu dambeesay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa la sheegay in si qarsoodi ah u wado faafinta diinta Kirishtaanka .

Wargeyska Wordandway.org ayaa qoray in baadari u dhashay dalka Kenya balse la qariyay magaciisa iyo sawirkiisa magaalada Muqdisho ka wado faafinta diinta Kirishtaanka, waxaana baadarigan la sheegay in Muqdisho ku joogo Qandaraasle dhismo.

Baadarigan oo Wareysi siiyay Wargeyska Wordandway.org ayaa sheegay in mudo shan sano ah Muqdisho ku joogo qandaraasle dhismo balse si hoose u wada faafinta diinta karishtaanka.

Waxa uu sheegay Baadarigan in dad u badan Soomaali uu gaarsiiyay kana aqbaleyn faafiinta Kirishtaanka, waxa uuna xusay in isaga iyo xertiisa si qarsoodi ah isugu yimaadaan qol yar halkaasna ku cibaadeestaan sida uu xusay.

Baadarigan Kenya u dhashay ayaa sheegay in xertiisa Soomaalida ah ka baqayaan in ay is cadeeyaan iyaga oo ka baqaya qoysaskooda, waxa uuna xusay marka ay fursad helaan in qol yar isugu tagaan ayna halkaasi ku heesaan kuna cibaadeestaan.

Halkan ka Akhriso Warbixinta Baadriga Kenyanka ee Muqdisaho ku faafiya Kirishtaanka

Christian Workers in Somalia Worship in Secret, Fear al-Shabab

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -