Allbanaadir.com
NEWS

Yaa bixiyey amarka lagu baneynayo dhulkii Casa Italia ee deg. Xamar-weyne? (Cadeyn)

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay dhul boob la sheegay inuu ka bilowday Xaruntii cassa Italia oo ku taalla ka soo horjeedk Ex-hotelkii Shabelle ee degmada Xamar weyne Magaalada Muqdisho.

Ciidamo boolis ah ayaa shalay gaaray dhulkaas, iyagoo qasab uga kiciyey dad shacab ah oo halkaas ku lahaa maqaayado iyo goobo kale oo ganacsi, kuwaasoo markii dambe la hadlay saxaafada isla markaana sheegay in qoyska Madaxweynaha ay ka dambeeyaan talaabada goobtaas looga kicinayo, kuwaasoo bay yiraahdeen doonaya iney boobaan dhulkaas.

Eedeyntaas ayaa qabsatay baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay, waxaana soo baxay maanta warar kale oo sheegaya in dadkii saxaafada la hadlay ee dhulkaas laga kiciyey la jidilay, laguna xiray saldhiga Boliska Xamar weyne.

Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sawiro muujinaya qaar a mid ah haweenka la soo xiray oo wejigooda uu dhiig ka muuqdo taasoo ka careysiisay dad badan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Madaale ayaa la sheegay inuu bixiyey afar bilood ka hor amarka lagu baneynayo dhulkaas sida uu cadeynayo qoraal ka soo baxay xafiiska Madaale oo nuqul ka mid ah ay heshay Allbanaadir Online.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhulkaas ay dalbatay in loo baneeyo dowlada talyaaniga oo markii horeba laheyd, lamana oga sababta ay muddo afar bilood u qaadatay fulinta amarkaas.

Madaxweyne Xassan Shiilkh iyo qoyskiisa ayaa lagu eedeynayaa iney ku lug leeyihiin dhul boob baahsan oo ka socda magaalada Muqdisho, waxaana horey shacabkii degenaa looga kiciyey meelo badan oo uu ku jiro dhulkii guryaha bankaariyada ee ku yiilay agagaarka garonka Aadan cadde,

Hoos ka akhriso qoraalka Madaale uu ku amray in la baneeyo dhulkii Cassa Italia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal Cusub oo cabsi ku beeray Mareykanka iyo xulufadiisa

Cabdi Cade

Lix dal oo go’aano ka soo saaray shir xasaasi ah oo looga hadlay arrimaha Somalia

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) AMISOM oo balan-qaad Muhiim ah u sameysay Madaxweyne Qoorqoor

Caydiid Ali
Taboola Ads ---