Seddex Sabab oo Saciid Deni taajka Madaxweynaha Puntland loogu suray !!

Tiro ma laheyn musharraxiinta Puntland. Wixii qof xil moodo ayaa qof kale xarrago moodaa. Nin guuleyso is lahaa, mid gurmad ahaan gaashaanka u watay, CV-iiga hakuu gasho mid ay ka aheyd, intaba doorshadi Puntland ayey kasoo muuqdeen.

Prafossorada PHD-ga wata, waxaa lagu yiri ”Adeer mar i dage Allah dago, mar labaad i dagase anigas dagay”.Horaan ugu sirranay madax PHD sita, la mood noqons weyday. Muslimkuna god qura laba jeer laguma wada qaniinee, waa laga diga rogtay.

Wadaadku, waa ahlu-diin musharaxii la lahaa , waxaa lagu yiri ” Doorasho madaxtinimo, diin waxba kama joogtee, dano kale manoo heysaa?” isagiina halkaa loogu tag.

Generaal baan ahay, taatikada dagaalkana waayo badan kusoo dhexjiray, dhulka maqanna waan soo dhicinayaa, ninkii lahaa, isagana waxaa lagu yiri ” Adeer dagaal kasoo daalnaye, dunidana hadday bilow noo tahee halkaa naga joog”.

Midkii beesada badnaa,  soo jeed iyo jiifba dadka ku asqeysiiyay, waxaa loogu sarbeebay ” lacagtu waa qaadasho, codkana cidda aan aniga rabo unbaa calfan”.

Dhalinyaradana, waxaa loogu maahmaahay  ” Nin dhalinyaro ah intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaaye. Tartanka waa meeshiise, bal tu kale isu kaaye keena.

Is jiijjiid dheer kadib, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa loo taagay taajka hooyada federaalka Soomaaliya ee  Puntland.

Ma waxaad i weydiin aqriste sababta saciid loo doortay. Haa,Xaq baad u leedahay, anigana jawaab baa igu garowday.

Seddex waxyaabood oo Saciid Deni u sahlay in taajka loo suro.

1)Khibraddiisa siyaasadeed.

Sida dadka yaqaanna ay ku warrameen, Saciid ayaa siyaasadda toos ugu soo biiray sanadki 2012, isagoo ka mid ahaa baarlamaanki 9-laad. Saciid waxaa lagu xaglinayay inuu ka mid ahaa xisbigii Dam-jadiid ee xukunka qabsaday. Wuxuu soo noqday Wasiirka qorsheynta. Sidoo kale Saciid wuxuu ka mid ahaa musharraxiinti  doorshada madaxtinimada 2016, isagoo helay codod dhowr iyo labaatan, taasoo ka dhigtay shaqsi saameyn leh.

Saciid oo xiiseynayay inuu xil ka qabto dowladda Farmaajo ayaa ku hungoobay. Ma fadhin,Hankiisa siyaasaddana halkaas kuma hakan. Hamuun gorgor buu lahaaye, Wuxuu bilaabay olole uu ugu diyaar garaabayo doorashada madaxtinimo ee Punland. Geed dheer iyo mid gaabanba waa u fuulay. Maantana muraadkiisa waa helay.

2)Khibradiisa deegaanka iyo dadka reer Puntland.

Saciid wuxuu ahaa nin 30-kii sanoo ee ugu danbeeyay ku noolaa deegaanada Puntland. Waa ganacsade macruuf ah, degsiimada Puntland aad u taqaan. Goobo ganacsi iyo kuwo waxbarasho ayuu ka yagleelay Puntland. Waxaa taas loogu daraa, Waa nin aad u kala garanaya dadka iyo deegaanka. Waxay aqoon fiican kala dhaxeysaa isamada Puntland. Sido kale xildhibaanada lasoo doortay ayaa ahaa badankood  kuwa Saciid garasho fiican u lahaa. Qaar uu wax soo baray iyo kuwo uu soo gacan qabtayba way ka mid ahaayeen. Marka loo eego musharraxiinta dhigiisa ahaa, wuxuu ahaa nin kaga aqoon fiicnaa xagga dadka iyo deegaanada.

3)Taageerada Musharraxiinta Kale.

Walow Saciid saadaashu daba socotay, hadana Asad baa aayad ku noqday labadi wareeg ee hore. Si kastaba ha ahaatee, waxa foodda la iskula jiraba, Farax cali shire oo wareegga 2-aad ku haray ayaa codadkiisa u wareejiyay Deni, taasoo taajka Puntland u surtay Saciid Cabdullaahi. Asadna afkaa subag loo mariyay.

Dhanka kale, sheekadi aheyd doorashada Punland waa Barakaat u dhiib oo Barkaat ka qaado ama waa Hegbad/Ayuuto oo hadba cidda kaltanka iska leh ayaa loo tuuraa hakaa joogto. Buuqaas waxaa biyo ku shubay musharax Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isu soo taagay doorashada madaxtimada Puntland, iyadoo la filayey in 17-ka cod oo xildhibaanada Sool iyo Sanaag xagiis ahan doonto, maadaama isagana kasoo jeedo deeganadaas. Hayeeshee, fiijaan shaah kama cabin, oo mid keliyaa loogu riday. Ma gabadhay aheyd midaas? Ma ogi!

Wax ka sheegeedu yaanu afka igu daaline, Dr. Cali Ciise Cabdi  wuxuu xujo ku oogay xildhibaanadii laga soo doortay goboladaas.

W/Q  Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -