Amar cusub oo lagu soo rogay shaqaalaha QM ee ka howgala Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay ay amar ku soo rogtay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho, iyadoo farriimo loo diray lagu sheegay inaysan tegin magaalada Muqdisho ama ay yareeyaan socdalkooda.

Go’aanka UN-ka ayaa sabab looga dhigay xaaladda amniga magaalada Muqdisho, kadib markii weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday xafiisyada UN-ka ee magaalada Muqdisho 1-dii Janaayo 2019, waxaana la sheegay in xubno ka tirsan xafiiska UNSOM oo Muqdisho imaan lahaa maanta oo Axad ah laga joojiyey.

Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta UNSOM ayaa ku sii shaqeyn doona magaalada Nairobi, iyadoo tegistooda Muqdisho la yareeyay sida ay sheegeyso wargelin ka timid madaxda fadhida New York oo la siiyey shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta xafiiska UNSOM ee Muqdisho.

Talaabadan ayaa imaaneysa weerarkii madaafiicda ee xarunta UN-ka Muqdisho iyo go’aankii ay dowladu federaalku ku eriday wakiilkii QM ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -