Maxkamada ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xubno kale (Akhriso)

Qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax ayaa dacwad ka dhan ah hogaanka sare ee NISA u gudbiyey xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Qoraalka dacwada oo nuqul ka mid ah loo soo diray Allbanaadir Online waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isla markaana shirqool ku dileen Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd saraakiisha Nabad sugida Qaranka taasoo la waayey labo bilood ka hor.

Eedeysanayaasha lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:-

1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2-Yaasiin Farey
3-C/llaahi Aadan Kulane
4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad)

Qoyska ayaa ka codsaday xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida in baaris lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, isla markaana cadaalada la mariyo shaqsiyadka loo heysto

HOOS KA AKHRISO DACWADA LOO GUDBIYEY MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -