Wasiir Xoosh oo jawaab kulul baraha bulshada u mariyey Madaxweynihii hore ee Somalia

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa jawaab kulul siiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu dowladda Farmaajo ku eedeeyay caburin iyo cabsi gelinta siyaasiyiinta iyo dadka dhaliila.

Wasiir Xoosh oo ka mida taageerayaasha madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre horeba ereyo qalafsan ku weeraray Baarlamaanka iyo mucaaradka dowladda ayaa baraha bulshada ku weerarray Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyay inuu ahaa mas’uulkii ugu weynaa ee ku tuntay xuquuqda aadanaha.

“Waa la yaab inuu Xasan Sheekh Maxamuud u doodayo Mabaadii’da Xuquuqda Aadanaha oo ah isku day dib u soo laabasho.. Waa inuu xusuustaa inuu Madaxweynihii ka horeeyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, uu si tartiib ah isaga tegay kadib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay awoodda, mana uusan dhaleeceen 4 sano oo aad xukunka haysatay  Waxay dadweynaha Soomaaliyeed siiyeen fursad, si khaldan ayuuna u maamulay..Xusuusnow, Soomaaliya ma jirto fursad labaad, mana jirto ruux soo celin, ilaa aad si fiican u xil gudato” ayuu yiri Wasiirka dastuurka, Cabdi Xoosh Jabriil.

Xoosh ayaa ugu baaqay Xasan Shiikh inay ku habooneyd inuu howlgab iska noqdo intii uu dhaliili lahaa dowlad ka shaqo fiican tii uu madaxweynaha ka ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -