Jubbaland oo soo saartay Amar ku socda Hay’adaha iyo Hoteelada Kuyaalla Deegaanadeeda

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qoraal ay soo saartay ku amartay Hay’adaha, shirkadaha, hoteelada iyo ganacsiyada waa weyn in ay soo diwaangaliyaan ilaalada iyo hubka ay heestaan.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa lagu wargelisay Hay’adaha Caalamiga ah, Hoteellada & Shirkadaha waaweyn in laga bilaabo 09-August 2022 dhammaan hubka sharci darrada ah ee lagu arko xarumahooda hubka laga aruurin doono.

Wasaaradda Amniga  ayaana ku amartay hay’adaha ay quseyso fulinta amarkan in shaqadooda qabsadaan marka la gaaro waqtiga loo qabtay in ay isku soo diiwaangaliyaan hay’addaha iyo shirkadaha kuyaalla Jubbaland ee aan ilaaladooda diiwaan gelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -