Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Garsoorayaal ku baaqay in Doorashada Madaxweynaha Puntland laga reebo C/Wali Gaas

Xubno ka tirsan guddiga Garsoorka maamulka Puntland ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Puntland in doorashada ka reebaaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu cunay xaquuqdii ay lahaayeen mudo sanad ahna uusan siin mushaarkooda, waxa ayna codsadeen garsoorayaashan in Gaas laga reebo tartanka.

Xubnahan katirsan guddiga garsoorka maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Cabdiwali Gaas u gudbiyeen guddiga doorashada.

Garsoorayaasha maamulka Puntland katirsan ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in xaqooqad ka siiyaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Gaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Magafe isbaaro dhigtay ku tilmaantay Madaxweyne Xasan !

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka Boosaaso iyo Ciidamada PSF oo gaadiid dagaal qabsaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---