Xulista Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo bilaabaneysa & guddi la Magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 10 xubnood. Waxayna kala yihiin.

1-Max’ed Keerow Max’ed Gudoomiye
2-Muxyadiin Aadan Ibraahim Gudoomiye ku xigeen
3) Aadan Maxamed Cali Xoghayn
4) Mowlid Xasan Axmed Xubin
5) Jaylaani Maxamed Cawf Xubin
6) Faadumo Maxamed Axmed Xubin
7) Aamino cumar Maxamed Xubin
8 ) Cumar Cali Isaaq Xubin
9) Faarax Sheekh Maxmed Xubin
10) Caa’isho Ibraahim Cali Xubin.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii loo soo xuli lahaa Baarlamaanka labaad ee yeelanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 95 Xildhibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -