Midowga Afrika & EU-da oo si kulul ugu hadlay Weerarkii lagu qaaday xarunta Xalane

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia oo cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta AMISOM ee Muqdisho.

Ambassador Francisco Madeira ayaa ku tilmaamay weerar fuleynimo ah weerarkii hoobiyaha ee AMISOM ee ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya.

“Weerarku waa caddayn kale oo ah in xagjiriintu aysan lahayn tixgelin ku saabsan ilaalinta nolosha dadka. Waxay ku adkaysanayaan inay kala dhantaalaan horumarka ilaa hadda lagu gaaray dib u soo celinta nabadda iyo ammaanka dalka, “ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Qiyaastii 2:00 duhurnimo ee shalay ayaa todobo hoobiye ah ayaa la soo tuuray kuwaasoo bartilmaameed u ahaa AMISOM, laakiin dhammaantood waxay ku fashilmeen inay waxyeelo u geystaan xarunta AMISOM. Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka sida lagu soo sheegay warka ay soo saartay AMISOM.

“AMISOM, oo garab ka helaya Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliya, waxay ku qasbeen argagixisada Al-Shabaab inay ka baxaan caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Weerarkii shalay ayaa weli muujinaya muuqaal kale iyo isku day ah in la dhibaateeyo hanaanka nabada ee Somalia”ayuu yiri Ambassador Madeira.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay  labada shaqaale ee QM iyo qandaraaslaha dhaawacu ka  soo gaaray intii uu socday weerarkii hoobiyaha, isagoo u rajeeyey iney caafimaad taam ah.

Dhinaca kale, Ergadda Midowga Europe u joogta Somalia ayaa sheegtay inay cambaaraynayaan fal kasta oo ka dhan ah QM iyo Hay’addaha caalamiga.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Ergadda EU u joogta Somalia ayaa waxaa lagu sheegay inay midnimo la garab taagan yihiin Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM), isla markaana ay si isku mid ah cambaaraynayaan falalka colaadeed ee aan qiimaha lahayn ee looga soo horjeedo QM iyo xubnaha shaqaalaha ee Ururradda Caalamiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -