Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cawad: “Wadahadal kama galayno Go’aanka aan ka qaadanay Haysom

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan ka laaban doonin go’aanka ay ka qaadatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Go’aanka lagu eryay Nicholas Haysom laguma deg degin, ee waan ka fiirsanay, waxaana siinay waqti innagoo u gudbinay talooyin, balse tan iyo maalinkii uu dalka yimid wuxuu samaynayay hadalo meel ku dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Waxaa uu sheegay in dowladu aysan wada xaajood ka galeynin go’aanka ay qaadatay Heysam, wuxuuna xusay in arintan aysan saameyn ku yeelan doonin howlihii ay Qaramada Midoobay ka waday dalka.

Go’aanka dowlada Somalia ka qaadatay wakiilka QM ayaa siyaabo kala duwan loo arkay, waxaana soo dhoweeyey dadweyne iyo siyaasiyiin badan, halka qaar kalena ayka soo horjeesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlado Carbeed oo ka carooday go’aan uu ansixiyey Baarlamanka dalka Turkiga

Caydiid Ali

Casho Sharaf Bujambura loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya & Somaliland oo isku maan dhaafsan sida loo fulinayo heshiiskii ay wada galeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---