Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto (Daawo Sawirada)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan baarlamaanka Finland, khabiirna ku ah arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika, kana oo shaqeeyay machadka Nabadda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Pekka Haavisto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha cafinta daymaha, dib-u-eegista dastuurka, hannaanka diiwaan gelinta xisbiyada dalka iyo doorashooyinka la filayo dalka in ay ka qabsoomaan 2020.

Pekka Haavisto ayaa hoggaanka dawladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga go’antahay dib usoo kabashada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dawladda Filand ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa dilay, Maxaase loo dilay Sh. Cali Dheere & shirkii Rooble & Uhuru Kenyata oo shaki dhaliyey

admin

Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin baxsad ahaa oo kiis adag loo heysto (Sawirro)

Caydiid Ali

Dib u dhis iyo Casriyeyn lagu sameenayo Xarun Degmo oo kutaala Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---