Villa Somalia oo ka hadashay in Ciidankii ku maqan Eritrea Dagaalka Itoobiya ka qeyb galeen

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay warar horey warbaahinta qaar u baahiyeen oo sheegayay in ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaal ka dhacay Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay jiritaanka in ciidamo Soomaaliyeed ka qeyb galeen dagaalka ka dhacay Gobolka Tigrey.

“ Waa been in ciidamada Soomaaliya ee Eriteriya tababarka loogu qaaday ay ka qayb galeen dagaaladii Gobolka Tigray wayna badqabaan waxayna ku soo laabanayaan dalkooda” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale warar soo baxayay oo sheegayay in ciidamada Eritrea ku xayiran loo heesto lacag, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid waxbo kama jiraan.

Ciidanka Tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa horey loo sheegay in ay ka qeyb galeen dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya, waxaana warkaasi dadkii faafiyay kamid ah masuuliyiin hadda xilal ka haya dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -