Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid hub ka keenay Itoobiya oo lagu boobay Caabudwaq (Sawirro)

Dagaal qaraar ayaa Deegaanka Shiilo-madoow oo ku dhaw Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku dhex marey maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ciidamada NISA ee Dowladda Soomaaliya, oo doonayay in ay soo gudbiyaan labo gaari oo kuwa xaamulka ah

Gaadiidkan ayaa ka yimid dhinaca Itoobiya, hub nuucyo kala duwan ahna siday, waxaa xanibay rag hubeysan oo deegaanka ah.

Dhimasho iyo dhaawac ka badan shan ruux ayaa la soo warinayaa inuu dagaalkaas geystay kuwaasoo ay kujiraan xubno NISA ka tirsan

Waxaa sidoo kale lasoo wariyay in maleeshiyaadku dheceen qaar ka mid ah, hubkii saarnaa gaadiidkan, walina lama cadeyn karo halka sida saxda ah uu ugu socdey hubkan iyo cida laheyd.

Wararka ayaa sheegaya in laga adkaaday ciidabnkii NISA ee hubkaas soo gudbin rabay, taasoo keentay in ragii hubeysnaa iyo shacab fara badan ay boobaan hubkaas oo isugu jiray qoryo rasaas iyo saanad kale.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan bariga Galgaduud ayaa galabta weerar qorsheysan ku qaaaday inta u dhaxeysa degaanka Cows-weyne iyo Mesagawaay   ee gobalka galgaduud.

Related posts

Qarax Khasaare geystay oo caawa Muqdisho ka dhacay & faahfaahin ka soo baxeysa

Caydiid Ali

Golaha Q/Midoobay oo qaraar culus ka soo saaray dagaalka ka socda Sudan

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay Shaqo joojintii maanta saameysay Garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---