Booliska Kenya oo dil argagax leh ka geystay degmada Mandhera & Xiisad ka dhalatay

Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa Magaalada Mandhera ee gobolka woqooyi bari Kenya ku toogtay Haweeney da’ ahayd oo ka mid ahayd dadka degaanka, ka dib markii ay ka shakiyeen.

Askarta dilka u geysatay haweeneyda oo aheyd 62 labo jir ayaa la sheegay inaan la xirin ka dib markii ay diideen Ciidanka Booliska degmada Mandera.

Haweeneydan ayaa waxaa toogtay sarkaal ka mid ah Booliska,waxaana dilkeeda kaddib dadka degaanka ay sameeyeen rabshado iyagoo Taliska Booliska iyo maamulka Mandheera ka codsaday in sarkaalka dilka geystay sharciga la horkeeno.

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka dilka ayaa ka dhacay xaafadda Rhama ee Magaalada, xilli Ciidanka Booliska ay ku jireen howlgal roondo ah.

Dilkan ayaa waxaa ka argagaxay dadka degaanka oo caro aad u xooggan ka muujiyey, waxaana weli halkaas ka taagan xiisada ka dhalatay dilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -