Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiga oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Jilaagii caanka ah ee reer Hindiya, Khader Khan oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Canada ayaa geeriyooday sida uu daabacay wargeyska The Hindustan Times oo ka mid ah wargesyada ugu afka dheer dalka Hindiya.

Khader Khan oo heystay diinta Islaamka ayaa maqaam sare kaga jiray fanka dalka Hindiya, waxaana uu ka qeyb qaatay aflaam fara badan oo isugu jira Hindi iyo Maraykan.

Wiil uu dhalay jilaaga oo lagu magacaabo Sarfaraz ayaa warbaahinta dalka Hindiya u xaqiijiyay in aabihii uu geeriyooday.

”Aabahay waxaa uu geeriyooday 31-kii bishii Disembar, lixdii galabnimo xiliga wadanka Canada, waxaana uu isbitaalka ku jiray 16-17 isbuuc, waxaana lagu aasi doonaa dalka Canada”. Sidaasi waxaa yiri Sarfaraz.

Khan iyo qoyskiisa ayaa sannadihii dambe ku noola dalka Canada, waxaana intii aanan la geynin isbitaalka uu ka sheeganayay xanuun dhanka feeraha ah.

Khader Khan ayaa caan ku ahaa majaajilada aflaanta Hindiga, waxaana aad loogu xusuusta doorkii uu ku lahaa aflaan badan oo caan ah si weynna loo daawaday, kuwaasoo lagu jilay dalka Hindiya.

Khan ayaa inta badan jili jiray doorar kala duwan oo isugu jiray madadaalada, isagoo mararka qaarna aflaanta ku jili jilay qaab waalidnimo iyo laadernimo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -