Qoorqoor & Max’ed Nuur Gacal oo ku laabtay, laguna soo dhoweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka  Dr Maxamed Nuur Gacal oo howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Ku xigeenka mudane Cali Daahir Ciid iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa ka qeyb galaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa guul kusoo idlaaday iyadoona laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya daah furnaanta doorashada, iyo jadwaleynta xilliga rasmiga ah oo ay dhammaaneyso.

- Advertisement -