Dowlada Somalia oo lagu dhaliilay duulimaadyada ay mudada kooban fasaxday

Qeybaha kala duwan ee bulshada intooda badan ayaa dhaliilay go’aankii maanta ka soo baxay DF ee mudada labada cisho ah lagu fasaxay duulimaadyada caalamiga ah oo horey dowladu u sheegtay in 15 cisho la xanibay si looga hortago faafida cudurka Coronavirus.

Dowlada ayaa sheegtay in sababta labada cisho loo fasaxay ay tahay si dalka loo soo gaarsiiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xaniban garoomada dayuuradaha caalamka qaarkood.

Hase ahaatee dad badan ayaan ku qancin hadalka dowlada, waxayna qalad ku tilmaameen in dad aad u tiro yar awgood halis loo geliyo nolosha malaayiin qof oo haddii uu cudurku ku faafo ay adkaan doonto in wax laga qabto iyadoo la ogyahay sida ay u kooban tahay awooda ay dowlada Somalia u leedahay la tacaalida xanuunkan.

Shacabka qaarkood ayaa aaminsan in arintan looga dan leeyahay in cudurkan lagu marti qaado dalka si looga faa’iido gargaarna looga helo dalalka deeqda bixiya caalamka.

“Waxaa jira tuhun xooggan oo ku saabsan in howlwadeenada dowlada qaarkood oo ujeedooyin guracan leh ay doonayaan in cudurka albaabada loo furo, si loogu qaraabto, dhaqaalana looga helo deeq bixiyeyaasha, waana arrin halisteeda wadata oo dhibaatada ka timaada lagula xisaabtami doono DF” ayuu yiri aqoonyahan Prof. Saciid Ciise oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla Maraykanka oo intaas ku daray in madaxda dowladu ay ka muuqato jilicsanaan, aysana ku baraaraugsaneyn halista cudurkan.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa iyana aaminsan in madaxda DF ay raadinayaan muddo kororsi, sidaas awgeedna ay doonayaan in cudurku dalka soo galo kuna faafo, si marmarsiiyo loogu helo inaan doorashooyin la qaban karin.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa uga digay DF iney ka fiirsato go’aanada noocan ah oo uu sheegay iney khatar gelin karaan shacabka.

“Waxaan rajaynayaa In Corona virus oo dawladaha deriska ah ku go’doosan aan naloo soo fasixin, maadaama ay isa soo tari-wayday hadalkii xukuumadda ee ahaa in Soomaaliya laga helay cudurkaas, Waa In aysan dhicin in karoonaha macaash laga raadiyo!” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -