Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Taliye loo magacaabay howlgalka Al-Shabaab looga saarayo Jubada dhexe

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magacaabay taliyaha howlgalka cusub ee Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada Hoose.

Wareegto kasoo baxday Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa taliyaha xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe loo Magacaabay Gaashaanle Sare Axmed Jaamac Salaad.

Talaabadan ayaa daba socota Wareegto kale oo shalay ka soo baxday Madaxweynaha Jubaland taasoo Gudoomiye cusub loogu magacaabay gobolka jubada dhexe oo guud ahaan gacanta ugu jira Al-shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmahan waday diyaar garow dagaal oo ay sheegeen inla doonayo Al-shabaab in looga saaro gobolka Jubada dhexe.

Hoos ka akhriso Wareegtada lagu magacaabay taliyaha cusub

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddiga FEIT oo shaaciyey tirada Xildhibaanada maanta qaatay Shahaadada

Caydiid Ali

Wasiirad Fowsiya: “Dadka laga helay illaa hadda COVID-19 waxaa ka mid ah 8 dhaqtar”

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxaabiis ka baxsatay xabsi oo Mashaqo lama filaan ah ku dhintay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---