Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirad Fowsiya: “Dadka laga helay illaa hadda COVID-19 waxaa ka mid ah 8 dhaqtar”

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howl-wadeennada caafimaadka ay ka qaadanayaan badbaadinta shacabka iyo dagaalka loogu jiro Xakameynta faafitaanka COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed laga helay COVID-19 maadaama dhaqaatiirtu yihiin dadka safka hore uga jira la dagaallanka cudurkan, naftoodana huraya, si ay u badbaadiyaan bulshada inteeda kale.

Dhaqaatiirta cudurku haleelay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda iyo dhammaan dadka kale ee COVID-19 uu soo ritay ayay wasiir Fowsiya Allah uga bariday inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku celisay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geneysyo sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarta COVID-19, waxayna bulshada ugu baaqday inay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ayna qeyb ka noqdaan qorsha wadajirka ah ee naf-badbaadinta.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay caddeysay in ilaa maanta aysan soo kordhin xaalad cusub oo COVID-19 ah hase yeeshee ay jiraan baaritaanno maanta la sameeyay oo jawaabahooda la sugayo inay dhawaan soo baxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Israel oo howlgal afduub ah ka fuliyey Lubnaan

Caydiid Ali

Galmudug oo Shaacisay Magacyada Xubnaha golaha Deegaanka ee Balanballe (Magacyada)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in ay la dilay Saraakiil katirsan Al Shabaab iyo xubno la socday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---