Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxaabiis ka baxsatay xabsi oo Mashaqo lama filaan ah ku dhintay

Shan maxbuus ayaa ku dhintay shil gaari, kadib markii baabuurkii ay ku baxsanayeen uu si lama filaan ah geed foodda u daray.

Maxaabiista ayaa ka mid ahaa 69 maxbuus oo ka soo baxsatay xabsi ku yaalla duleedka magaalada Beirut, kuwaasoo xoog ku qaatay gaari ay la kulmeen.

Maxaabiista ayaa fursad u helay inay jebiyaan albaabada qolalkii ay ku xirnaayeen, sidaasna ay ku baxsadaan.

Booliska ayaa sheegay in 15 ka mid ah maxaabiistaas gacanta lagu soo dhigay, iyadoo Mid kamid ah maxaabiista ay xabsiga dib ugu celisay hooyadii.

Laamaha ammaanka ayaa baaritaan ka wada deegaanka, waxaana dadka halkaa ku nool lagu wargeliyay inay feejignaadaan, iyadoo saraakiishu ka shakisan yihiin iney wada shaqeyn dhexmartay ciidamada ilaalada ka ahaa xabsiga iyo maxaabiista baxsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha DP World iyo Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shil Khasaare geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Aqalka sare oo soo fara geliyey khilaafka dowlada dhexe & dowlad goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---