Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abuukar Cabdi Geelle oo shaaciyey inuu xilka iska casilay, kana hadlay Sababta

Guddoomiyihii Gobolka Sool ee dowlad Goboleedka Puntland Abuukar Cabdi Geelle ayaa ku dhawaaqat inuu iska casilay xilka.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in xilkii guddoomiyenimo uu iska casilay.

“Laga bilaabo hadda waxaan iska casilay xilka Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Dawlada Puntland  Sababo ila soo gudboonaaday awgood ayaan go’aankan u gaadhay” ayuu yidhi Geelle.

Guddoomiyaha is casilay ee Gobolka Sool ayaa xilkaas hayey muddo lix bilood ah oo kaliya waxaa loo Magacaabay 11-bishii June ee sannadkan ka dib wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Puntland, lamana oga illaa hadda sababaha rasmiga ah ee uu xilka uga degay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Somaliland oo heegan buuxa la galiyay iyo Sababta keentay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cidi uma maqna, Ceelna uma qodna, (Qiso xanuun badan)

Caydiid Ali

Afar qodob oo kasoo baxay Wadahadalladii Madaxweyne Xasan iyo William Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---