Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegtay in ay ka hortageen Weerar Ciidamo Mareykan ah kusoo qaadeen

Ciidamo la sheegay in ay ahaayeen Mareykanka oo garab ka helayay ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheesan ku qaaday Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa watay diyaaradaha qumaatiga u kaca kuwaa oo ku dejiyay duleedka Jamaame kadibna lug ku galay dhinaca Degmada, waxaana ciidankan iska caabin kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo bar koontarool ku sugnaa.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanooda dagaal la galeen ciidamada Mareykanka ee weerarka kusoo qaaday kuna qasbeen in ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen.

Iska hor imaad daqiiqado socday ayaa dhax maray Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Al Shabaab ee ku sugnaa degmada Jamaame, walina lama shaacin khasaaraha dagaalkan labada dhinac kasoo gaaray.

Ciidamo Mareykan ah oo garab ka helaya Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa waayadan waday in howlgalo qarsoodi ah ka fuliyaan deegaano iyo Degmooyin ay maamulaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Shiinaha oo Maxkamad lagu soo taagayo Mareykanka

Caydiid Ali

Ciidanka Badda Talyaaniga oo qabtay daroogo lagu qiimeeyey Bilyan Dollar (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirarkii ka dhici jiray Nairobi oo loo weeciyay Adisababa iyo Dowlada Kenya oo si adag uga jawaabtay eedeyn loo jeediyay !!

admin
Taboola Ads ---