Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey Baladweyne iyo qaraxyo kale oo goor dhow ka dhacay

Qaraxyo kale ayaa caawa ka dhacay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qarax labaad iyo mid sadexaad laga maqlay meel aan ka fogeyn goobta uu ka dhacay qaraxii hore oo aheyd afaafka hore xerada lama galaay oo ay degan yihiin madaxda sare ee maamulka Hirshabelle.

Qaraxii hore ayaa waxaa ku geeriyootay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd musharaxiinta u taagan doorashada golaha shacabka ee ka socota magaaladaas.

Waxaa go’day korontadii magaalada. Jawiga ayaa mar qura is bedelay, waxaana aad u qasan Jawiga magaalada iyadoo la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada amaanka goobaha ganacsiga ayaana la xiray.

Related posts

Xasan Shiikh oo soo dhoweyn maamuus leh loogu sameeyey Quirinale Palace (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal sukeeye oo ka qarxi kara Isra’il kaddib xil ka qaadistii Ronen Bar

Cabdi Cade

C/raxmaan Dheere oo ka hadlay Kursigii loo diiday in uu u tartano oo Xildhibaan Cusub loo doortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---