Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax la qorsheeyay in uu ka dhaco Muqdisho oo la fashiliyay

Ciidamada amaanka ayaa maanta ka hortagay banaan bax siyaasadeed oo la qorsheenayay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, ciidamada ayaana xiray inta badan wadooyinka Muqdisho.

Wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadooyinka Wadnaha iyo Maka Al Mukarama ayaa lasoo dhigay ciidamada amaanka dowlada kuwaa oo xiray wadooyinka sidoo kale si weyn u xaqiijinayay amaanka Caasimada.

Ciidamada amaanka ayaana loogu tala galay in ay ka hortagaan banaan baxan oo laga cabsi qabay in uu ka dhaco Muqdisho, hasa ahaatee qorsha banaan baxaasi ayaana noqday mid fashilmay kadib markii ciidamo lasoo dhigay goobihii ay ka dhici lahaayeen.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa hada ah mid degan, waxaana wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayaa ciidamada amaanka oo si weyn u xaqiijinaya amaanka kana hortagaya xasilooni daro magaalada ka dhacda.

Arimahan ayaa kusoo aadaya xili cadaadis siyaasadeed uu heesto Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, waxaana magaalada ka socdo kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriye caan ah oo loo magacabay afhayeenka cusub ee Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Guddoomiye Ciise Max’uud Maxamed oo la wareegay xilkii loo Magacaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dayuurad ku burburtay garoonka Lukla Airport iyo dad ku dhintay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---