Shacabka Muqdisho oo taageeray Amarkii kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo

Shacabka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa si weyn u taageeray una soo dhaweeyay amarkii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo lagu mamnuucayay in la iibsado dhulka danta guud.

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharci daro tahay waxii dhul ah ee la iibiyay ama la bixiyay waxii ka dambeeyay 8-dii Febraayo ee sanadkii 2017-da.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aankan adag ee kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in muhiim tahay in aan cid gaar ah iibsan ama la siin dhulka danta guud.

”Waan soo dhaweeneynaa in dowlada ka har tagto in si sharci daro ah dad loo siiyo ama looga iibsado dhul dan guud ah, waxaana ugu baaqeynaa Madaxda in dib usoo celiyaan dhulalkii jerdiinooyinka iyo kuwii danta guud ee horey sharci darada loogu iibsaday” Ayuu yiri Oday kamid ah Reer Muqdisho.

Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa layaab ku tilmaamay in ay jiraan xiligan dad difaacaya in shaqsiyaad si sharci daro ah u iibsadaan dhulkii danta guud lacagtii laga bixiyayna jeebkooda ku shubtaan.

Maamuka Gobolka Banaadir ayaa ku eedeesan in uu iibsaday dhul dan guud ah oo kuyaala magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay in la baaro dhulalkaasi sida sharci darada ah lagu iibsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -