Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad goboleedkii ugu horeeyey oo soo dhoweeyey heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia & Itoobiya

Max’ed Cabdi Waare Madaxweynaha Hir-Shabelle ayaa soo dhoweeyey heshiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Waare ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa, isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Itoobiya iyo Hir-Shabeelle uu noqdo mid isku furma.

Waxa uu soo hadal qaaday qodob ka mid ah heshiiska oo ahaa maalgashiga dowladda Itoobiya ee afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dekada ugu horreysa ay noqon doonto mid laga dhisayo degmada Cadale taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo la qaaday.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin dekadaha Itoobiya ay maalgashan doonto ayaa hadana Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu shaaciyey inay go’aan dowladda ka gaari doonto, iyadoo la wada ogyahay in dekadaha dalka ay intooda badan ay Maamulaan dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Suldaan Caan ahaa oo caawa la dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Itoobiya oo War soo saartay kaddib kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Al-Sisi

Cabdi Cade

Wafdi ka socda Turkiga oo gaaray Kismaayo iyo Mashaariic laga fulinayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---