Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Balanbale

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay wehliyaan xubno katirsan labada Golle ee Dowlada iyo Madaxda maamul goboleedka Galmudug ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay Degmada Balanbale, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay dadweyne aad u badan oo ku faraxsanaa in Madxaweynaha soo booqdo.

Amaanka degmada Balanbale ayaa si wen loo adkeeyay, waxaana degmadaasi ka socda kulamo Madaxweynaha Soomaaliya la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmadaasi.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha ayaa usii gudbi doona isla maanta Deegaano iyo Degmooyin kale oo katirsan gobolka Galgaduud, halkaas uu sidoo kale kula kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Safar dhulka ah ku maraya degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna horey usoo maray Deegaanada Puntland iyadoona socdaalkan loogu magac daray Socdaalka Nabada iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -