Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay rag hubeysan oo lagu eedeeyey..

Ciidanka Booliska saldhigga degmada Garasbaaley ayaa soo qabtay labo nin oo ku eedeysan inay dhaawac iyo dhac ka geysteen xaafado ka tirsan degmadaas.

Cabdullaahi Mustaf Maxamed oo ka tirsan ciidanka xoogga iyo Ismaaciil Cali Ibraahim oo ku shaqeysan jiray Mooto Bajaaj ayaa la soo qabtay, iyagoo wata qori AK47 ah iyo Mooto.

Raggan ayaa la sheegay dhac iyo dhaawac u geysteen labo qof oo ganacsi ku leh degmadda Garasbaaley.

Taliska booliska ayaa sheegay in baaritaan kadib ragaan maxkamad la hor geyn doono dhowaan lana marin doono ciqaabta ay mudan yihiin.

 

Booliska Muqdisho ayaa dardar geliyey howlgalada ka dhanka ah burcadda, tuugada iyo dhalinyarada falalka anshax xumada ah ku heysa baraha bulshada.

Related posts

(Daawo Sawirro) Nin aflagaadeyey Nebi Maxamed NNKH oo garaacis lagu dilay

Caydiid Ali

Faysal Cali Waraabe: “Xoog iyo xeelad mid ay ahaataba Waa inaan soo celinaa Laascaanod”

Caydiid Ali

Nin ka dambeeyay dhaawac iyo dhac ganacsade Soomaali ah loogu geestay Nairobi oo la qabtay

Cabdi Cade