Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo bilad sharaf Gudoonsiiyey Asad Xaajiyow (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan soo dhaweyn iyo dhiiragalin ah Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Asad Xaajiyow oo kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal abuurka leh islamarkaana si adag oo geesinimo leh uga gudbay dhaawac ay geysteen kooxda al shabaab

Asad Xaajiyow ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir sida sare ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa iyo dhiiragalintiisa, isla markaana dardaaranka guddoomiyaha ay wax weyn ku sii kordhin doonto sii wadida hal abuurnimadiisa iyo kaalinta uu kaga jiro bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bilad sharaf gaar ah gudoonsiiyay Asad Xaajiyow,  isaga oo ku dhiiragaliyay adkeysigiisa iyo sida uu tusaalaha ugu yahay in al shabaab aysan hor istaagi karin horumarka Bulshada.

Related posts

Isbedel kooban oo lagu sameeyay Guddiga soo xulaya Ergada dooraneysa kursiga HOP058

Cabdi Cade

Kursigii Xildhibaannimo uu banneeyay Saadaq Joon oo maanta la doortay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Masuuliyiin kale oo dalxiis u tagay Dayniile (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---