Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo laga mamnuucay degmada Cadaado (Akhriso)

Duqowda dhaqanka Beesha magaalada Cadaado ayaa caawa ku dhawaaqay iney ka mamnuuceen degmadaas inuu soo galo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ka dib qoraal ka soo baxay kulan ay ku yeesheen Cadaado ayey ku sheegeen inaysan aqoonsaneyn Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir, aysana  cag soo dhigi Karin degmadaas iyo guud ahaan degaanada ay beeshaas degto.

Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayey sheegeen iney ku wargelinayaan wixii maanta ka dambeeya in aanay aqoonsaneyn Maamulka Galmudug.

Dadweyne fara badan ayaa maanta dibed bax looga soo horjeedo heshiiska ahlu suna iyo Galmudug waxay ka dhigeen magaalada Cadaado.

Cadaado ayaa dooneysa in la caddeeyo maqaamka magaaladaas, waxaana ay doonayaan in laba midood la yeelo kuwaasoo kala ah iney noqoto xarunta gobolka Galguduud ama loo daayo inay noqoto caasimadda Galmudug iyagoo ka soo horjeeda in Dhuusamareeb ay isku darsato caasimada Galmudug iyo xaruntii gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab ay leedahay dowlada Iran oo lagu duqeeyey meel ku dhow xeebaha Sacuudiga

Caydiid Ali

Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo saakay geeriyooday

Cabdi Cade

Dowlad Xaraasheysa qaar kamid ah Moroodiyaasha dalkeeda kunool iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---